Guddiga ammaanka ee Golaha Wakiilada Puntlad oo yeeshay kulan muhiim ah

Guddiga Amniga & Nabadgelyada Golaha Wakiillada Dawladda Puntland ayaa maanta yeeshay kulankoodii 1-aad, kaasoo looga hadlay arrimo kala duwan, laguna soo bandhigay aragtiyo.

Kulanka ayaa ujeeddadiisu ahayd is-barasho iyo diyaarinta qorshayaasha hortebinta leh ee Guddiga. Falanqeyn dheer kadib, waxay guddigu isla qaateen qorshayaaha hortebinta leh ee Guddigu ku hawlgalayo muddada dhow.

Guddoomiyaha Guddiga Xasan Ducaale (Dhagaxtuur) oo soo xiray kulanka ayaa xubnaha Guddigu ku booriyey in loo diyaar garoobo fulinta qorshe hawleedka Guddiga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed