Guddi muhiim ah oo ka socday baarlamaanka Soomaaliya oo kulan xasaasi ah la yeeshay safiirka dalka Sacuudiga ee Soomaaliya

Guddiga Saaxiibtinimada Sucuudiga ee Baarlamaanka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Guddiga Xildhibaan Cabdulcasiis Maxamed Maxamuud Qambi ayaa kulan kula qaatay Safiirka Sucuudiga u fadhiya Soomaaliya Xarunta Safaaradda Sucuudiga ee Muqdisho.

Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta xiriirka walaaltinimo iyo iskaashi ee labada dal iyo in Guddiyada Saaxiibtinimo ee labada Baarlamaan la xoojiyo wada shaqayntooda.

Sidoo kale waxaa la isla gartay furitaanka xafiis lagaga shaqaynayo Saaxiibtinimada labada dal iyo labada Baarlamaan ee Soomaaliya iyo Sucuudiga iyo in Guddiga Soomaaliya ay dhowaan booqdaan dalka Boqortooyada Sucuudiga iyaga oo kulamo la yeelan doona dhiggooda Baarlamaanka Sucuudiga.

Ugudanbeyntii Guddoomiyaha Guddiga Saaxiibtinimada Sucuudiga ee Baarlamaanka Soomaaliya iyo Xubnihii weheliyay ayaa Safiirka Sucuudiga uga mahadceliyay sida Boqortooyada Sucuudigu ugu muujisay Soomaaliya garab istaag la xiriira kiiska badda iyo xadgubka ay Itoobiya ku samaysay Madaxbannaanida Soomaaliya.

Safiirka Sucuudiga ay muujiyay sida ay dalkiisa ugu go’antahay ku garabsiinta Soomaaliya ilaalinta gobanimadeeda siyaasadeed iyo madaxbannaanideeda dhuleed.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed