Goobaha shidaalka ee Kenya oo la kulma khasaare aad u weyn

Kenya ayaa lumisay $200 milyan oo ay u dhoofin jirtay Uganda, oo ah suuqa ugu weyn gobolka, tan iyo Oktoobar 2023, xog cusub ayaa muujinaysa.

Waxayna khubaradu ka digayaan inay lumin doonto wax badan, iyadoo dagaalka ka dhanka ah shidaalka la soo dejiyo uu sii xoogaysanayo, kaabayaasha waaweyn ee saliidda ay halis ugu jiraan inaan la isticmaalin.

Toddobaadkii hore, Uganda waxay ku dhawaaqday inay u guurayso Tanzania si ay shidaal uga soo dhoofsato, kaddib markii ay ku guul-darraysatay inay shirkaddeeda shidaalka ee Uganda National Oil Company (Unoc) ka diiwaangashato Kenya si ay u fududayso soo dejinta dekedda Mombasa.

Wasiirka Tamarta ee dalka Uganda Ruth Nankabirwa oo warbaahinta kula hadashay magaalada Kampala Talaadadii shalay ayaa sheegtay in niyad jabka joogtada ah ee Kenya ay ka qabto heshiiska UNOC uu halis ku yahay xasiloonida shidaalka Uganda.

Sida laga soo xigtay Daily Monitor, Ms Nankabirwa ayaa sheegtay in madaxweynaha Kenya William Ruto uu dhowr jeer muujiyay sida uu ula dhacsan yahay falalka Uganda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed