Goob laga dumiyay masjid la dhisay qarnihii 16-aad oo loo badalay Macbad

Ra’iisul wasaaraha Hindiya Narendra Modi ayaa magaalada Ayodhya wuxuu xariga ka jaray macbad wayn oo ay leeyihiin Hinduuga oo laga dhisay goob laga burburiyay masjid la dhisay qarnigii 16-aad.

Goobta laga dhisay macbadkan ayaa sanadkii 1992-kii waxaa koox Hindi mayal adag ay ka burburiyeen masjid, waxaana tillaabadaasi ka dhashay rabshado dalka oo dhan ka dhacay oo ay ku dhinteen ku dhawaad 2,000 oo qof.

Xafladii furitaanka macbadkan oo loogu magacaabo Ram Janmabhoomi ayaa waxaa ka soo qayb galay todobo kun oo qof oo ay ka mid ahaayeen jilayaasha filimada, ciyaartoyda ciyaaaha Cricket-ka iyo ganacsato waa wayn, balse qaar ka mid ah dadka Hinduuga iyo inta badan mucaaradka ayaa qaadacay, iyagoo sheegay in Mr Modi uu u adeegsanayo dano siyaasadeed.

Masjidka Barbari ayaa waxaa goobtaasi ka dhisay sanadkii 1537-kii Baqi Tashqandi, oo sidoo kale loo yaqaanay Mir Baqi, oo ahaa taliye hogaamiye ciidanoo asal ahaan ka soo jeeda Tashkent ama dalka maanta loo yaqaan Uzbekistan .

Doorashooyinka guud ayaa ka dhici doona Hindiya bilaha soo socda, xisbiyada siyaasadda ee Mr Modi ayaa sheegaya in xisbiga talada haya ee Bharatiya Janata Party (BJP) uu codad ku raadin doono magaca macbadka dalkaas oo 80% ay yihiin Hinduuga.
Macbadka ayaa lagu dhisay qiimihiisu dhan yahay $217 milya oo doolar, hay’adda macbadka maamulaysa ayaa sheegtay in laga maalgeliyey deeqo gaar ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed