Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo ansixiyey miisaaniyad KMG ee rubaca labaad ee sanadka

Shirka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo guddoominayay Ra’iisul Wasaare Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Miisaaniyad KMG ah oo dhan US$ 206,474,223, taasoo loo qoondeeyey howl fulinta dowladda ee bilaha 1da April ilaa 30 ka Juun.

Wasiirka Maaliyada ayaa golaha wasiirada u soo bandhigay Miisaaniyadda KMG ah oo faahfaahsan una sharaxay muhiimada ay u leedahay dalka, iyadoo goluhu si aqlabiyad leh u meel mariyay miisaaniyadda rubaca labaad ee sanadka, si aysan hakad u galin howlaha dowladda, maadaama dalku ku jiro doorashooyin.

Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Maaliyadda in ay miisaniyadda Rubaca Labaad ee Sanadka ay ku soo dhammays tirtay waqtigii loo muddeeyey, waxa uuna u mahadceliyey dhammaan hey’adaha dowladda ee ka shaqeeyay kordhinta dakhliga dowladda iyo Golaha Wasiirrada oo ansixiyay.

Shirka Golaha Wasiirrada ayaa sidoo kale looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin doorashooyinka dalka oo heer gebogebo ah maraya iyo dadaallada dowladda ee wax ka qabashada abaaraha ka jira dalka.

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed