Kulanka Golaha wasiiradda Xukuumadda Cusub ee Somaliland oo maanta yeeshay kulankoodii 2-aad ayaa waxaa warbixinno looga dhageystay xubnaha golaha, sida wasaaradda arimaha gudaha iyo gaashaandhigga.
Wasiirka Amniga Somaliland oo maanta kulanka golaha warbixin ka dhageysteen oo ku aadan gobolka Sanaag ayaa sheegay in wax dagaal ah uusan hadda ka socon, balse ay ciidamadoodu ay wadaan difaaca sida uu hadalka u dhigay qaranka.
Sida oo kale waxaa uu tilmaaamay inta warbixinta laga dhageysanayey loo baahan yahay feejignaan dheeraad ah, sida uu warbaahinta u shegay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland Xuseen Aadan Cige Dayr oo ka hadlayey Nuxurka Ka Soo Baxay fadhigii 2aad Golaha Wasiirrada.
Hadalka golaha wasiiradda Somaliland ayaa ku soo aadaya xilli laga deyrinayo colaadda ka taagan gobolka oo todobaadkan sii dhamaanaya uu sababay in ku dhawaad 43-kun oo qof ay ku barokaceen, sida lagu sheegay Warbixin ka soo baxay xafiiska bini aadannimada Qaramada Midoobey ee OCHA.
HBN ONLINE TV