Golaha Wasiiradda oo meel mariyay hishiis 10 sano ah oo dhanka difaaca ah ee ay kala saxiiixdeen Soomaaliya iyo Turkiga

Dadaalka lagu xoojinayo xiriirka labada dal, Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiska Difaaca (Heshiiska Difaaca iyo Dhaqaalaha) ee Turkiga, iyadoo kulan aan caadi aheyn oo uu shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Xamza Cabdi Barre.

Golaha Wasiirada ayaa kulan ay yeesheen maanta oo Arbaco ah waxa ay ku ansixiyeen heshiisyadan muhiimka ah, kaasoo muujinaya xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal.

Heshiiskan oo la saxiixay muddo 10 sano ah ayaa dhigaya in ciidamada badda ee Turkiga la geeyo biyaha Soomaaliya si ay u difaacaan. Iskaashiga istiraatijiyadeed wuxuu hoosta ka xariiqayaa sida ay uga go’an tahay labada dal kor u qaadista amniga badda iyo la dagaalanka khataraha ka soo ifbaxaya gobolka.

Heshiiska difaaca oo la kala saxiixday 8-dii February, ayaa wuxuu sii xoojinayaa iskaashiga istiraatijiyadeed ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiiskani waxa uu muujinayaa sida ay uga go’an tahay labada dhinac ee lagu xoojinayo iskaashiga difaaca iyo in la xoojiyo iskaashiga amniga si loo ilaaliyo danaha labada dal.

Marka laga soo tago heshiiska difaaca, Golaha Wasiirada ayaa sidoo kale ansixiyay heshiisyo dhaqaale oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo iskaashiga dhaqaalaha iyo fududeynta ganacsiga Soomaaliya iyo Turkiga. Heshiisyadani waxay diyaar u yihiin inay kor u qaadaan horumarinta dhaqaalaha, kor u qaadaan fursadaha maalgashiga, iyo kobcinta iskaashiga.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed