Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya oo meel mariyay hishiis muhiim oo in muddo ah Soomaaliya ay raadineysay

Golaha Shacabka ee Baarlamanka Federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay heshiiska ku biirista Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Africa ( East African Community).
Ansixinta Baarlamanka ee heshiiskan ayaa waddada u xaareysa dhameystirka habraaca xubinnimada Soomaaliya ee ururka , iyadoo EAC siisay muddo 6 bilood ah oo ay ku gudbiso heshiiska oo la soo mariyay hay’adda sharci dejinta, lana ansixiyay.

Golaha Wasiirrada Urur Goboleedka Bariga Afrika ayaa waxaa loo xilsaarey in marka loo gudbiyo heshiiska maanta la ansixiyay, inay guda galaan fulinta iyo dhameystirka xubinnimada rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Bishii November 24keedii, 2023 ayaa Shir Madaxeedkii EAC oo ka dhacay Arusha lagu ansixiyay codsiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee ku biirista Urur Goboleedka Bariga Afrika.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Guddoomiyaha xilligan ee EAC, Madaxweynaha  Koonfuurta Sudan ayaa bishii December 15-keeda, 2023 si rasmi ah u saxiixay heshiiska ku biiirista Ururka.

Soomaaliya ayaa noqoneysa xubinta 8aad ee Urur Goboleedka Iskaashiga Dhaqaalaha Bariga Afrika. Waddamada kale ayaa kala ah Kenya, Tanzania, Uganda, Rwanda, Burundi, Koonfuurta Suudaan iyo Jamhuuriyadda Demoqraadiga ee Congo ( DRC).

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed