Golaha Ammaanka oo maanta kulan xasaasi ah ka yeelanaya xaaladda Soomaaliya

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa lagu wadaa inuu qabto kulan xasaasi ah oo looga hadlayo xaaladda Soomaaliya, kaasoo la qorsheeyay inuu dhaco maanta oo Isniinta ah, 19-ka Febraayo. Xubnaha lagu wado in ay warbixin ka siiyaan golaha waxaa ka mid ah ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, Catriona Laing.

Iyadoo la filaayo kulanka, Ergeyga Gaarka ah ee Catriona Laing ayaa muujisay sida ay diyaarka ugu tahay in ay bixiso wararka ku saabsan horumarka Soomaaliya,  sida ay ku baahisay barta X ee horay loo oran jiray Twiter.

Kulanka ayaa ah mid muhiimad gaar ah leh oo diiradda lagu saarayo horumarka amniga iyo siyaasadda Soomaaliya, gaar ahaan ka hortagga dadaallada socda ee lagula dagaallamayo Al-Shabaab iyo hirgelinta isbedellada dhanka amniga ah.

Warbaahinta dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hormarada dalka, iyadoo tusaale u soo qaadatay guulo la taaban karo oo laga gaaray dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab iyo ka bixitaanka KMG ah ee ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed