Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay oo isbedel ku sameeyey howlgalkooda Soomaaliya

15 xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ayaa meelmariyay qaraar meesha looga saaray Xafiiska UNSOM, waxaana 1 bisha Novembar billaabanaya howlgalka KMG ah ee Kaalmeynta Soomaaliya (UNTMIS).

Qaraarkan la ansixiyey oo mas’uuliyaddii UNSOM meesha ka saaray ayaa shaqadii uu qaban lahaa loo wareejiyey koox dalka ka howlgasha oo Qaramada Midoobay (UNCT) ah, taasi oo bilaabanaysa 1-da bisha soo socota ee Noofambar, waxaana huggaaminta geeddi-socod dowlad-dhis la wareegi doona Soomaaliya.

Si loo maareeyo xil-wareejintan, qabyo-qoraal la soo jeedinayey in la dhiso hay’ad cusub oo ah Xafiiska Qaramada Midoobay ee Kaalmada Ku meelgaarka ah ee Soomaaliya (UNTMIS), oo u xilsaaran u wareejinta xilka UNSOM hay’adaha Soomaaliya iyo kooxdan gaarka ah.

Tallaabadan ayaa la socota sida hadalka loo dhigay codsi ka yimid Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macallin Fiqi, kaasi oo bishii May ku baaqay in “si degdeg ah oo loo soo gabagabeeyo hannaanka lagama maarmaanka ah” ee ku aaddan in xafiiska UNSOM uu ku ekaado Oktoobar 2024-ka.

Shiinaha, Ruushka, iyo xubno kale oo badan ayaa u ololeeyay in 1-da Nofembar laga gudbo si loo muujiyo codsiga Soomaaliya.

Isbadalku wuxuu la socdaa Hawlgalka Midowga Afrika ee Ku meel-gaarka ah ee Soomaaliya (ATMIS) oo u dhaqaaqaya isbeddelkiisa gaarka ah ee Hawlgalka Taageerada iyo Xasilinta Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo diiradda saari doona taageerada ciidamada ammaanka ee Soomaaliya.

Shirkan Golaha Ammaanka ayaa daba socda fadhigii Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ee 28-kii October, oo uu hoggaaminayay Wakiilka Joogtada ah ee Masar u fadhiya Midowga Afrika, Maxamed Cumar Gad, kaasoo dib u eegis ku sameeyay xaaladda ATMIS iyo xilliga kala guurka ee la qorsheeyay Bisha December.

Dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalo wax ku ool ah oo wax loo qabanayo howlgalka Qaramada Midoobey oo daba dheeraaday, halka qaabka siyaasadda oo jaan go’an loogu dhiibi lahaa Soomaalida.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed