Wasiirada arrimaha dibadda ee Ururka Jaamacadda Carabta ayaa yeeshay kulan degdeg ah oo ay kaga wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka Geeska Afrika. Kulanka ayaa waxaa aalladda fogaan aragga kaga qeybgalay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamse Cabdi Barre oo khudbad dhinacyo badan taabaneysa ka jeediyay.
Wasiirradu waxay soo saareen bayaan ay ku muujinayaan taageerada xooggan ee ay u hayaan madaxbannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, waxayna cambaareeyeen Itoobiya, gaar ahaan damaca ay ku doonayso inay ku qabsato dhul 20 km ah oo ka mid ah xeebaha Soomaaliya iyo inay si sharci darro ah ku gasho biyaha Soomaaliya.
War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in ficilada Itoobiya ay yihiin kuwo aan la aqbali karin oo “xadgudub qaawan” ku ah mabaadi’da sharciga caalamiga ah iyo axdiga Qaramada Midoobay. Bayaanka ayaa sidoo kale lagu diiday “heshiiska beenta ah” ee Itoobiya ay la gashay Somaliland, oo ah dowlad iskeed ugu dhawaaqday madaxbanaanida oo caalamku u aqoonsan yahay qayb ka mid ah Soomaaliya. Heshiiskan ayaa la sheegay inuu Itoobiya u ogolaanaya inay hesho dekedaha Somaliland, isla markaana u ogolaado Itoobiya inay saldhigyo ciidan ka samaysato Somaliland.
War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale lagu sheegay in Soomaaliya ay xaq u leedahay in ay si sharci ah u difaacdo dhulkeeda, sida uu dhigayo qodobka 51-aad ee Axdiga Qaramada Midoobay iyo Jaamacadda Carabta, waxaana sidoo kale lagu sheegay in Jaamacadda Carabta ay taageersan tahay tallaabo kasta oo ay Soomaaliya go’aansato in ay qaado. Warku wuxuu intaa ku daray in Jaamacadda Carabta ay taageersan tahay go’aanka Soomaaliya ay ku gaartay in dacwad ka dhan ah xadgudubka Itoobiya ay u gudbiso Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda.
War-saxaafadeedku waxa kale oo lagu caddeeyay in Somaliland tahay qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Soomaaliya, isla markaana ay Jaamacadda Carabta ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanida Soomaaliya ee berriga, badda iyo cirka. War saxaafadeedka ayaa ka digay in gardarada Itoobiya ay khatar ku tahay ammaanka iyo xasiloonida gobolka, waxayna beesha caalamka ugu baaqday inay soo farageliyaan oo ay ka hortagaan xaalad kale oo sii xumaanaysa.
Bayaanka ayaa sidoo kale loo xilsaaray golayaasha danjirayaasha Carabta ee ku sugan magaalooyinka New York, Geneva, Vienna, Brussels, Addis Ababa, Washington, London, Paris, Beijing, iyo Mexico, inay dabagal ku sameeyaan dhaqan gelinta go’aamada. War murtiyeedka ayaa lagu soo gabagabeeyay in xoghayaha guud ee jaamacadda carabta uu u saaro guddi heer wasiir ah oo u kuur gala xaaladda, isla markaana warbixin ku soo celisa golaha.
Kulankan ayaa ku soo aaday xilli ay aad u kacsan tahay Itoobiya iyo Soomaaliya, taasoo ka dhalatay heshiiskii Itoobiya ay la gashay Somaliland.