Galmudug oo jawaab ka bixisay hadal Al shabaab ka soo yeeray kaasoo horay u dhaliyay hadal heyn xooggan iyo walaac

Hadalkaan ka soo yeeray Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Aadan Gaboobe, ayaa wuxuu si kulul uu ugu beeniyay hadal ka soo yeeray Ururka Al Shabaab, oo ahaa in 200 oo askari ay ku dileen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay deegaanka Caad ee Gobolka Mudug. Hadalka Gaboobe ayaa imaanaya iyadoo todobaadkii hore uu dhacay iska hor imaad gacan ka hadal ah oo dhexmaray ciidamada isku dhafka ah iyo Al shabaab.

Sida uu sheegay Wasiir Gaboobe, sheegashada Al-Shabaab ee lagu sii xoojiyay sawiro been abuur ah oo lagu faafiyay Internet-ka ayaa ah mid ula kac ah oo lagu marin habaabinayo shacabka, laguna buun buuninayo khasaaraha dowladda. Waxa uu sheegay in khasaaraha dhabta ah uu yahay mid aad u hooseeya oo ay ugu horeyso dhaawacyo, halka Al-Shabaab ay la kulmeen jab weyn.

Arrintan ayaa daba socota weerar  24-kii bishan ay Al-Shabaab ku qaadeen ciidamada dowladda iyo kuwa ku sugan deegaanka Caad. Gaboobe ayaa carabka ku dhuftay dadaalada socda ee lagula dagaalamayo ururka Al shabaab, Gaboobe ayaa daboolka ka qaaday in saaxiibada caalamka ay kordhiyeen weerarada ka dhanka ah xarumaha Al-Shabaab ee labada gobol ee Mudug iyo Galgaduud. Weerarada istiraatijiga ah ayaa looga golleeyahay in lagu burburiyo keydka hubka ee Al shabaab, taas oo dhabaha u xaareysa duullaan ballaaran oo dhanka dhulka ah.

Mawqifkan adag ee ay qaateen Galmudug iyo xulafadeeda ayaa hoosta ka xarriiqaya istaraatiijiyadda ballaaran ee lagu ciribtirayo saameynta Al-Shabaab ee Soomaaliya. Gaboobe ayaa intaa ku daray in inkastoo ay jiraan warar is khilaafaya, haddana go’aanka dowladda Soomaaliya ee ah in la iska horkeeno lagana adkaado khatarta Al shabaab  uu yahay mid aan weli la fulin.

HBN NEWS DSESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed