Gabar aanan qaangaarin oo kufsi wadareed loogu gesytay magaalada Garowe iyo hadal heyn ka dhalatay

Kufsi wadareedkaan ayaa ka dhacay kaam dad qaxooti ah ay dagan yihiin oo ku ku yaal magaalada Garowe ee caasimadda Puntland, isla markaana waxaa la sheegay in ay geysteen rag ku labisanaa dareeyska ciidanka maamulkaas, falkaan argagaxa leh ayaa loo gesytay gabar 13 jir ah, oo ay kala baxeen gurigeedo, xilli ay rasaas ku fureen goobta.

Warbaahinta oo taktay goobta falkaan uu ka dhacay ayaa ehelka gabadha waxaa ay sheegeen in gabadhooda guriga ay kala baxeen dambiilayasha, waxayna ka dalbadeen maamulka Puntland in ay caddaalad heleen.

Qoyskeeda iyo dadka degan xaafadda deegaanka oo isku dayay inay ka celiyaan gabadha, ayaa lagu handaday gori caaradiis, waxaaana lagu kufsaday iyaga hortooda, sida ay u sheegeen warbaahinta. Sidoo kale dadka xaafadda ayaa sheegay in gabadha hooyadeed sanad kahor ay ku geeriyootay rasaas ay ka dambeeyeen kooxo cabtoy ah.

Laamaha amnigu weli kama hadlin falkaan. Magaalada Garowe ayaa muddooyinii ugu dambeeyay amnigeeda hoos u dhacay, taasoo sababta falalka amni darrada ah oo kusoo badanaya, kuwaas oo loo aanaynayo dadka ku lugta leh maandooriyaha oo aad ugusoo badanaya magaalada Garowe.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed