Faahin faahino ka soo baxaya dilal la xiriira aannooyin qabiil oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Faah faahino kala duwan ayaa ka soo baxaya dilal loo geystay afar ruux, deegaanno hoos  magaalada Dhuudamareeb ee gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya, dadkaan oo ah dhalinyaro ayaa dilkoodu waxaa uu la xariiraa aannooyin qabiil oo muddooyinkii dambe ka dhacayay deegaanno ka tirsan gobolka Galgaduud.

Maleeshiyaad hubeysan oo aanan heybtooda la garaneyn ayaa fuliyay dilkaan oo la sheegay in uu ahay mid qorsheysan, isla markana  ay goobta baxsadeen markii ay  fuliyeen.

Wararka soo ka imaanaya gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in maanta halkaas ay ka jirto xiisad xooggan, oo laga cabsi qabo in aargoosi uu dhaco, dilkaan ayaa waxaa ka dashay hadal heyn culus.

Hey’adaha ammaanka maamulkw Galmudug oo tagay goobta ayaa bilaabay baaritaanno ku aaddan kooxdii ka dambeysay dilkaan dhaliyay colaada hor leh oo dhanka gobolka ah.

Si kastaba, muddooyinkii la soo dhaafay dilal xiriir la leh aannooyin qabiil ayaa ku soo badanayay deegaanno ku yaal gobolka Galgaduud  mana jiro wax war ah oo ilaa hadda ka soo baxay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed