Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya weerar ay xubno ka tirsan Al-shabaab ku qaadeen saldhig ciidamada ATMIS ay ku leeyihiin gudaha magaalada Buulo-mareer ee gobolka Shabeelaha Hoose.
Dad deegaanka ayaa inoo sheegay in dagaal saacad iyo dheerad qaatay uu ka dhacay, iyada oo dhawaqa rasaasta laga maqlayay meelo aad uga fog goobta dagaalka. Ciidanka ATMIS ayaa sameeyay iska caabin, waxaana ugu dambeyn goobta ka baxsaday xubnihii ka tirsanaa AlShabaab ee weerarka soo qaaday.
Weli lama oga khasaaraha soo kala gaaray ciidamada ATMIS iyo kooxda Alshabaab, iyada oo saameyn uu ku yeeshay xaaladda amni ee magaalada Buula mareer ee gobolka Shabeellaha Hoose.
Wararkii u dambeeyay ee naga soo gaaraya gudaha magaalada Buula-mareer ayaa sheegaya in xaaladdu daggan tahay, isla markaasna ay ciidamada ATMIS wadaan howlgallo lagu xaqiijinayo amniga.
Weerarka ayaa ku soo aadaya xilli sidaan oo kale sannadkii hore Al-shabaab weerar qaraxyo ku billaawday ku qaadeen saldhigga ciidamada ATMIS ee Buula-mareer, halkaasi oo lagu dilay askar badan oo dhalasho ahaan ka soo jeeda dalka Uganda.
HBN ONLINE TV