Faah fahain qarax ka dhacay magaalada Muqdisho

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho, waxana la soo warrinayaa khasaaro ka dhashay qaraxaas, kaas oo laga maqlay degmooyinka gobolka Banaadir.

Qaraxaan ayaa ka dhacay bar koontarool oo laga ilaaliyo magaalada Muqdisho, gaar ahaan waddada Warshadaha, gariga ayaa la sheegay in si xoog ah uu kaga gubtay goobtaas, kadibna ciidankii ku sugnaa meesha ayaa rasaas ku furay, balse ugu dambeyn waxa uu ku qarxay xarunta dhul bixinta ee gboolka Banaadir.

Ilaa iyo hadda faah faahin kana aysan bixin dowladda Soomaaliya khasaaraha ka dhashay, balse  wararka ayaa sheegaya in ku dhawaad labo ruux ay ku dhinteen, halka tiro intaas ka badan ay ku dhaawacmeen.

Gaariga ayaa ahay nuuca loo yaqaan Leeyla Calaawi, muuqaalada lagu faafiyay warbaahinta bulshada ayaa muujinayay gaariga oo gubanaya, iyada oo wadihii gaariga la aaminsan yahay in uu ku dhintay.

Wixii soo kordho halkaan kala, haddii Alle idmo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed