Faah faahino kala duwan oo ka soo baxaya diyaarad ay leedahay QM oo maanta ku dhacday gobolka Bakool, isla markaana uu ka dashay khasaaro

Dowladda Soomaaliya iyo Qaramada Midoobay ayaa faah faahin ka bixiyay diyaarad maanta ku dhacday magaaalada Ceelbarde maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya. isla markaana uu ka dashay khasaaro iskugu jiro dhimasho iyo dhaawac.

Ugu horreyn, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha C/fitaax Geedsane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shilka diyaarada uu yimid kadib markii mid ka mid ah taayirka diyaarada uu ka baxay dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan iyo dhismo ku dhow garoonka.

Diyaarad ayaa kamid aheyd kuwa xamuulka ah oo ay Qaramada Midoobay qandaraas kula jirtay taasoo ka shaqeyneysay Soomaaliya.

Qaramada Midoobay qoraay ka soo baxay ayaa lagu yiri: ” Diyaaradan ayaa siday sahay bini’aadantinimo oo ay ugu tala gashay hay’ada cunada aduunka ee WFP markii ay ka baxday dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan. waxana ku dhintay  in hal qof  labo kalena ay ku dhaawacmeen”

“Qaramada Midoobay ayaa la shaqeyneysa shirkadda qandaraaska la siiyay iyo mas’uuliyiinta dowladda federaalka iyo kuwa Koonfur Galbeed si loo baaro dhacdadan” ayey tiri Qaramada Midoobay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed