Faah faahino ka soo baxaya Weerar qaraxyo ah oo ka dhacay Afgooye kaasoo dhaliyay khasaaro kala duwan

Ugu yaraan shan qof ayaa ku dhintay  10 kalena way ku dhaawacmeen weerar  ah oo ka dhacay gobolka Shabeellaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed, sida ay sheegeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Weerarkan oo loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay ayaa lala beegsaday bar koontarool oo ciidamada ammaanka ay ku leeyihiin magaalada Afgooye, sida uu sheegay Ibraahim Cali oo ka tirsan saraakiisha ammaanka ee Koonfur Galbeed oo la hadlay Anadolu.

Dadka dhaawacmay ayuu sheegay in ay isugu jiraan dad rayid ah iyo ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka oo loola cararay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee ku yaalla caasimadda dalka ee Muqdisho.

Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka. Balse weerarka ayaa kusoo beegmaysa saacado kaddib markii Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerar bambaano oo ka dhacay magaalada Boosaaso oo lagu beegsaday sarkaal sare oo ka tirsan ciidamada ammaanka ee maamul goboleedka Puntland.

Soomaaliya ayaa sanado badan waxaa hareeyay amni darro, iyadoo khataraha ugu badan ay ka imaanayaan Al-Shabaab iyo kooxda ee Daacish/ISIS.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed