Faah faahino ka soo baxaya seddex nin oo ganacsato ah oo lagu dilay gobolka Shabeelada Dhexe

Wararka ka imaanaya gobolka shabeelaha dhexe ayaa sheegaya in deegaan hoos taga degmada Mahadaay ee gobolkaasi lagu dilay saddex qof oo ganacsato ah oo isku qoys ahaa maanta.

Ka hor inta aan la dilin saddexda nin ee ganacsatada ah, ayaa waxaa la sheegay in deegaanka ay weerar ku qaadeen xubno ka tirsan Ururka Al Shabaab, kuwaasi oo beegsaday fariisin ay ku sugnaayeen ciidamo abaabulan oo deegaanka loo yaqaano Macawisley.

Weerarka kadib ayaa waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xoogan oo u dhaxeeyay labada dhinac, waxaana markii dambe la sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo weerarka soo qaaday ay dib u gurteen.

Kadib ciidamada deegaanka ayaa la sheegay in ay toogteen saddexda nin ee ganacsatada ah, iyagoo ku eedeeyay in ay basaasiin u ahaayeen kooxda Al-Shabaab.

Arintan ayaa argagax ku abuurtay, waxaana hadda gobolka ka taagan xiisad dagaal, waxaana dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayaa nawaaxiga degmada Mahadaay.

Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay maamulka gobolka Sh/dhexe oo ku aadan dhacdadan saameysay dadka deegaanka.

Inta badan waxaa Gobolka Shabeellaha Dhexe ka dhaca dilal qorsheysan iyo dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-Shabaab.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed