Faah faahino ka soo baxaya Nin Xaaskiisa ku dilay gobolka Shabeelada Hoose

Wararka ka imaanaya degmada Qoryooley ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxa ay sheegayaan in nin xaakiisa uu ku dilay degmadaas, dilkaan ayuu u edeegsaday Toorey kaddib dood iyo muran dhexmaray labadooda.

Falkan arxan darada ah ayaa dhacay shalay gelinkii dambe, kaasoo argagax ku abuuray bulshada, waxaana si deg deg ah wax uga qabtay ciidamada ammaanka ee deegaanka kuwaas oo gacanta ku soo dhigay eedeeysanaha.

Wararkii ugu horeeyay ayaa sheegaya in ninkan la sheegay in marar badan uu mindi af badan ku dhuftay xaaskiisa kadib markii ay isku dhaceen qoyska.

Maamulka ayaa bilaabay baaritaan lagu ogaanayo sababta ka dambeysay falkan naxariis darada ah ee qoyska dhexdiisa dhacay.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa daba socota dhacdo naxdin leh oo tan la mid ah oo ka dhacday degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho, iyadoo la sheegay in nin uu gubay xaaskiisa oo xaamilo ahayd oo lagu magacaabi jiray Luul Ca/Casiis. Sayid Macalin Daa’uud oo ah Seyga ayaa la sheegay in uu qol ku xiray ka hor inta uusan falkaan foosha xun geysan.

Dhacdooyinka isdaba jooga ah ee xadgudubyada ku saleysan jinsiga ayaa argagax ku abuuray bulshada, taasoo keentay cambaareyn ballaaran. Waxaa isa soo tarayay baaqyada ku aaddan in wax laga qabto dhibaatada salka ku haysa jinsiga, lana ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo dadka jilicsan ee bulshada.

HBN NEWS DESk

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed