Faah faahino ka soo baxaya dagaal beeleed khasaaro dhaliyay oo ka dhacay xadka gobolada Shabeelada Dhexe iyo Hiiraan

Xiisad colaadeed ayaa ka taagan xadka ay wadaagaan gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, iyadoo wararka laga helayo degmada Jalalaqsi ay sheegayaan in dagaal beeleed khasaare geystay uu ka dhacay labada dhinac. Colaadan oo salka ku haysa muran ka dhashay dhul beereed ayaa waxaa ku lug leh maleeshiyo beeleed ka soo jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Iska hor imaadka ka dhacay deegaanka Iji oo dhaca xadka labada gobol ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac soo kala gaaray maleeshiyaad ka soo kala jeeda Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe. Dhinacyada dagaalamay oo magacyadooda lagu soo qaaday laba beelood oo wada dega gobolkaasi, ayaa dhex maray dagaal muddo saacad ku dhow socday, waxaana la isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan.

Warar la xaqiijiyey ayaa sheegaya in saddex qof oo dhinacyadii dagaalamay ah ay ku naf waayeen dagaalka, taasoo muujineysa sida uu dagaalku u culus yahay. Muranka ka dhashay dhul-beereed ayaa la rumeysan yahay inay tahay sababta ugu weyn ee colaadda labada beelood u dhaxeysa.

Maamulka deegaanka iyo kooxaha gurmadka ayaa wada abaabulo lagu dhex dhexaadinayo xiisadaasi, iyagoo isku dayaya inay xal u helaan colaadaasi, isla markaana ay yareeyaan khasaaraha kale. Khilaafkan ayaa hoosta ka xarriiqay xiisadda iyo khilaafka ka taagan lahaanshaha dhulka ee gobolka.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed