Faah faahino ka soo baxaya 7 ruux oo ka soo jeedo Qowmiyadda Oromada oo lagu dilay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo

Weerar xalay ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ee gobolka Gedo ayaa sababay dhimashada ugu yaraan 7 qof oo ka tirsan qowmiyadda Oromada, halka lix kalena ay ku dhaawacmeen, sid ay sheegeen ilo-wareedyo kala duwan.

Ciidamada amaanka ee deegaanka ayaa bilaabay baaritaano ay ku baadi goobayaan rag looga shakisan yahay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab kuwaas oo bartilmaameedsaday tuulo ay ku badan yihiin dadka kasoo jeeda Qowmiyada Oromada.

Dadka dhaawacmay ayaa loo qaaday isbitaalka weyn ee magaalada si loogu dabiibo. Ilaa hadda ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka ka dhacay magaalada xadka ku taalla.

Xaaladda ayaa maanta oo Isniin ah ahayd mid kacsan, iyadoo ciidamada Booliiska ay wadeen howlgallo lagu soo qab-qabanayo kooxihii ka dambeeyay falkaas, kuwaas oo baxsaday markii ay fuliyeen weerarkaan qorsheysan.

Dilkaan ayaa dhaliyay hadal heyn xooggaan oo gobolka ah, kaasoo dadku ay si weyn u hadal hayaan. Arintaan ayaa kusoo aadeysa xili ay sii kordhayaan weerarada ay Al-Shabaab ay fuliyeen xadka Soomaaliya iyo Kenya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed