Faah faahino dheeraad ah oo laga helay weerarkii xalay lagu qaaday xero ciidan oo ku taal Muqdisho kuna dhinteen saraakiil kala duwan

Ugu yaraan shan qof oo ay ku jiraan saraakiil ka tirsan milateriga Soomaaliya iyo saraakiil Imaaraadka Carabta ka tirsan ayaa ku dhintay weerarka kaddib markii askari uu rasaas ku furay xero ciidan oo ku taalla caasimadda Muqdisho, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen sarkaal ka tirsan ciidammada iyo shaqaalaha isbitaalka.

Si kastaba ha ahaatee, Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa sheegtay in saddex ka mid ah ciidamadeeda qalabka sida iyo hal sarkaal oo u dhashay dalka Baxreyn lagu dilay fal argagixiso oo ka dhacay Soomaaliya, xilli ay tababarayeen ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Labo kale ayaa ku dhaawacantay, wasaaraddu waxay ku dartay hadal ay soo saartay. Wasaaraddu ma aysan faah faahin kale ka bixin weerarkaasi, balse waxa ay sheegtay in Imaaraadka uu sii wadayo isku xirka iyo wadashaqeynta ay la leeyihiin dowladda Soomaaliya si loo baaro falkan.

Askariga la toogtay oo ka mid ahaa ciidamadii dhawaan loo tababaray dowladda Soomaaliya, ayaa sidoo kale lagu toogtay xerada ciidanka Gordon ee ay maamulaan Imaaraadka, sida uu sheegay sarkaalka ka tirsan ciidanka xoogga dalka oo magaciisa lagu sheegay Axmed.

Xarakada Al-shabaab  ayaa baahisay war laga sii daayay idaacadda Andalus oo ku hadasha afka Al-shabaab, iyadoo sheegtay mas’uuliyadda weerarka, waxaana ay sheegtay in dagaalyahanadooda ay dileen 17-askari.

Labo ka mid ah Kalkaaliyaasha iyo Dhaqtarka Isbitaalka Erdogan ee magaalada Muqdisho oo codsaday inaan la magacaabin ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in sarkaal sare oo Imaaraadka ka tirsan uu dhintay afar kalena ay dhaawacyo halis ah soo gaareen.

Sidoo kale, ku dhawaad ​​10-askari oo dhaawac ah ayaa la keenay Isbitaalka, sida ay sheegeen.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo la hadlay warbaahinta dowladda ee SONNA ayaa ka tacsiyeeyay dhacdadii ka dhacday Imaaraadka.

Tan iyo sannadkii 2006-dii, Al-shabaab waxa ay wadday dagaallo ka dhan ah dowladda Soomaaliya oo ay isku dayday in ay dhisato dowlad ay iyadu leedahay.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed