Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya khasaaro ku dashay qof isku qarxiyay agagaarka isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho.

Qof isa soo miidaamiyay oo xirnaa jaakadaha qarxa ayaa isku qarxiyay agagaarka Isgoyska Cali Kamiin ee magaalada Muqdisho. Dhacdadan ayaa timid markii ciidamada ammaanka oo feejignaa ku jiray ayaa rasaas ku furay qofkii watay waxlaha qarxa kaddib markii uu sameyay amar diido, sidaas ayuu isku qarxiyay.

Weerarkan ayaa waxaa ku dhintay ninkii weerarka soo qaaday, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha kale ee dhabt ah, balse warbaahinta bulshada ayaa la soo dhigay labo wiil oo dhallinyar ah, oo ku dhintay sida la sheegay rasaas ay fureen ciidamada dowladda, ilaa iyo hadda faha faahin rasmi ah kaam soo bixin hey’adaha ammaanka.

Dhacdadaan ayaa muujineysa feejignaanta iyo waxtarka joogtada ah ee hay’adaha amniga Muqdisho si ay uga hortagaan khataraha amniga guud. Gurmadka degdega ah ee ciidamada amaanka ayaa kaalin muhiim ah ka qaatay ciribtirka khatarta uu leeyahay qofka is qarxiyay.

Hey’adaha amamanka ee  deegaanka ayaa hadda wada baaritaan la xiriira dhacdadan si ay u soo ururiyaan tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan cidda weerarka geysatay iyo khasaaraha rasmiga ah.

Talaadadii todobaadkii hore ayay ahayd markii booliska ay xaqiijiyeen in saddex qof ay ku dhinteen kadib markii nin isku soo xiray walxaha  uu isku qarxiyay goob lagu qaxweeyo oo ku taal degmada Xamarweyne ee magaalada Muqdisho, iyadoo ciidamada ay ku daba jireen.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed