Faah faahino dheeraad ah oo ka soo baxaya duqeymo ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan isla markaana dhaliyay khasaaro ka dhan ah Al shabaab

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha  kala duwan oo ka dhashay duqeymo diyaaradeed oo ka dhacay qeybo kamid ah gobolka Hiiraan, sida ay ku warameen ilo xog ogaal ah.

Duqeyntan ayaa waxa ay wararku sheegayaan in lala beegsaday saldhigyo ay Al-Shabaab ku lahaayeen deegaanka Jicibow oo qiyaastii 20 KM ujirta degmada Buuloburde oo gobolkaasi,isla markaana la burburiyo qeybo kamid ah bartilmaameedka.

Dhanka kale, dadka deegaanka ayaa waxa ay Warbaahinta usheegeen in ay maqlayeen gantaalada ay ridayaan diyaaradaha, lakiin aysan xaqiijin karin khasaaraha rasmiga ah ee lagu gaarsiiyay Al-Shabaab.

Saraakiisha ciidanka dowladda oo kahadlay weerarkan duqeynta ah ayaa waxa ay sheegeen in lagu dilay tiro Al-Shabaab ah oo hoggaamiyeyaal ah oo kusugnaa goobta ay duqeynta kadhacday, balse ma aysan sheegin tirada saxda ah ee lagu dilay weerarkaas iyo magacyadooda. Majiro ilaa hadda wax hadal ah oo kasoo baxay dhinaca Al-Shabaab oo ku aadan weerarkaas oo ay dowladda guul ka sheegatay.

Saraakiisha waxa ay intaas kudareen in duqeynta lagu bur-buriya fariisamo ay Al-Shabaab kulahaayeen deegaanka Jicibow, sidoo kalana lagu gubay gadiid iyo hub.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed