Faafaahinno dheeraad ah oo ka soo baxaya Alshabaab ku Go’doonsan Hiiraan iyo khasaaraha ka dhashay dagaallo Qaraar oo Socda.

Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa dagaal culus oo ka socda duleedka deegaanka Ceel-Hareeri ee gobolka Hiiraan, halkaas oo maleeshiyaad ka tirsan kooxda Alshabaab ay ku go’doonsan yihiin, sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha degmada Moqokori Maxamed Cabdi Macow.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xubno Alshabaab ah oo maalmihii la soo dhaafay dagaallo culus ka waday aagga Ceel-Hareeri ay haatan ku go’doonsan yihiin godad ay ka qoteen meel 2-KM u jirta deegaanka, islamarkaana ay ciidamada deegaanka ee Macawisleyda hareereeyeen dhamaan marinadii ay ka bixi lahaayeen.

Go’aankooda ayuu ku sheegay inuu yahay in aysan midna badbaadin, iyadoo aanu jirin wax maxbuus ahaan ilaa hadda loo hayo kooxda. Waxaa uu sidoo kale xusay in afar waddo oo soo gala aagga ay ku sugan la garay, islamarkaana lagu gubay gaari doonayey inuu u keeno saanad hub ah. Tani waxay si weyn u adkaysay xaaladda kooxda, taasoo muujinaysa in ay halis weyn ugu jiraan sida aan ka soo xiganeyno ilo dhanka amaaanka inay si buuxda u burburaan ama loo laayo.

Dagaalka ka socda xuduudda u dhaxaysa gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ayaa sii xoogeysanaya maalmahan dambe, kadib weerarro culus oo ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay ku qaadeen fariisimaha kooxda.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inay guulo waaweyn ka gaartay dagaalladaasi oo ay ku dileen horjoogayaal sare oo ay kamid yahay Nuunuule – madaxii Alshabaab u qaabilsanaa bartamaha dalka – kaasoo shalay dhaawac ahaan ugu geeriyooday deegaan duleedka ka ah degmada Ceel-Buur ee gobolka Galgaduud.

Howlgallada ka socda gobolka Hiiraan ayaa noqday kuwa qorsheysan oo lagu bartilmaameedsanayo kooxda, iyadoo la saadaalinayo in dhowaan laga saaro guud ahaan deegaannada ay kaga harsan yihiin gobolkaas, sida uu sheegay wasiirka gaashaandhigga Axmed Macalin Fiqi.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed