Erdogan oo sheegay in Turkiga uu diyaar u yahay inuu Masar kala shaqeeyo arrimaha Gaza

Madaxweynaha Turkiga Tayyib Erdogan ayaa Arbacadii sheegay in Turkiga uu diyaar u yahay inuu Masar kala shaqeeyo dib u dhiska Gaza, isagoo booqashadiisii ​​ugu horeysay ku tagay dalkaasi tan iyo sanadkii 2012-kii.

Erdogan iyo dhiggiisa Masar Abdel Fattah al-Sisi ayaa shir jaraa’id oo wadajir ah Arbacadii ku qabtay magaalada Qaahira ka dib wadahadallo laba geesood ah, iyaga oo qaaday tallaabo weyn oo ku aaddan dib u dhiska xiriirka quwadaha gobolka.

Erdogan ayaa sheegay in musiibada bini’aadantinimo ee Gaza ay ugu horreyso ajendaha wadahadalkooda. “Waan sii wadi doonnaa iskaashiga iyo garab istaagga walaalaheen Masar si loo soo afjaro dhiigga ku daadanaya Qaza” ayuu yiri, isaga oo intaa ku daray in Turkiga ay ka go’an tahay in ay sii xoojiyaan wada-hadallada ay Masar la leeyihiin heer kasta oo ay tahay, si nabad iyo xasillooni looga dhaliyo gobolka.

Madaxweyne Erdogan waxa kale oo uu wacad ku maray in uu kor u qaadi doono ganacsiga Masar oo uu gaaRsiin doono 15 bilyan oo dollar muddo gaaban gudaheed, isaga oo intaa ku daray in labada dal ay qiimaynayaan iskaashiga tamarta iyo difaaca.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed