Ehelada Marxuumad Luul C\siis oo dalbaday in caddaaladda la horkeeno Eedeeysanaha xilli aanan la duugin Gabadhooda

Sheekh C/casiis Maxamed oo ah Aabaha dhalay Marxuumad Luul C/casiis ayaa ka dalbanaya in caddaaladda la horkeeno ninka ku eedeysan dilka gabadhii uu dhalay ee sida arxan darada ah loo dilay magaalada Muqdisho. Luul oo ahayd hooyo xaamilo ah oo haysata lix caruur ah kana mid ahayd shaqaalaha garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaa si naxdin leh u geeriyootay kadib markii sida lagu eedeeyay ninkeeda Sayid Cali Macallin Daa’uud uu bishii hore dab qabadsiiyay.

Inkastoo markii dambe gacanta lagu soo dhigay Eeedeeysanaha  kaasoo ku xiran Muqdisho, haddana codsiga Sheekh C/casiis ayaa hoosta ka xarriiqay in dib u dhac joogto ah uu ku yimid wax ka qabashada iyo ciqaabta falalka ka dhanka ah eedeeysanaha oo aanan wili maxkamad la horgeyn.

Aabaha ayaa sheegay in wili gabadhiisa aanan la duugin, ayna sugayaan caddaalaadda, isla markaana ka dhawaajiyay in wax diyo ah aysan qaadan doonin, oo ay ku qancaan in la isla duugo labadooda, sida uu u sheegay warbaahinta.

Hey’adaha ammaanka ee gacanta ku haya eedeeysanaha ayuu ugu baaqay in ay ku wareejiyaan maxkamadda si loo bilaabo dacwdiisa, maaddaama aysan wali duugin meydka marxuumada oo Talaajad ku jirto dhowr isbuuc.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed