ECOWAS oo wajaheysa mustaqbal aan la hubin ka dib markii seddex dal ku dhawaaqeen in ay ka baxeen

Mas’uuliyiin ka kala socda dalalka ku bahoobay urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS ayaa ku kulmay caasimadda Nigeria si ay uga wadahadlaan ka bixitaanka saddex dal oo kala ah Mali, Burkina Faso iyo Niger, kuwaas oo ku dhawaaqay inay ka baxayaan ururkan usbuucii hore. Ururkan ayaa sidoo kale la tacaalaya qalalaasaha ka taagan Senegal, halkaas oo madaxweynaha uu dib u dhigay doorashada ilaa December.

Shirka ay yeesheen mas’uuliyiinta Ururka Dhaqaalaha ee Galbeedka Afrika, oo loo yaqaan ECOWAS, ayaa ahaa mid looga hadlayay isbeddelada siyaasadeed ee gobolka, oo ay ku jiraan ku dhawaaqista ka bixitaanka saddex ka mid ah 15-ka waddan ee xubnaha ka ah ururka.

Ka dib fadhi albaabadu u xidhnaayeen oo qaatay saacado badan, ECOWAS waxay sheegtay inay sii wadi doonto wada-hadallada ay kula jiraan Niger, Mali iyo Burkina Faso.

Balse ururka ayaa sidoo kale sheegay in go’aanadooda ay kaga baxayaan ay cawaaqib ku yeelan doonaan hay’adaha gobolka iyo shacabkooda.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed