Duqeyn lala beegsaday Alshaabab oo ka dhacay gobolka Galgaduud

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaaradaha nooca Duulliye la’aanta ah ee Drones-ka ku duqeysay deegaanno katirsan Gobolka Galgaduud ee Galmudug, waxaana khasaaraha ka dhashay laga helayaa macluumaad dheeraad ah.

Duqeymaha ayaa ka dhacay Mesagawey, Baraag Sheikh Caamir ilaa Cowsweyne, weerarkaan waxaa fuliyay Diyaarado loo badinayo in ay yihiin kuwa Maraykanka ee gacanta siinaya Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac ayaa sheegay in khasaare xooggan lagu gaarsiiyay howlgalkaasi Kooxda Alshabaab oo lala beegsaday xubno uusan magacyadooda iyo xogtooda uusan sheegin.

Sida oo kale Sarkaal kale oo katirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa sheegay in duqeyntaan lagu beegsaday Saldhigyo ay ku sugnaayeen mas’uuliyiin katirsan Alshabaab, isla markaana ku howlanaa sida uu hadalka u dhigay abaabulka duullaan ay qaadaan.

Dowladda Soomaaliya iyo Taliska Maraykanka u qaabilsan howlgallada Qaaradda Afrika loona soo gaabiyo AFRICOM weli xog faahfaahsan kama bixin howlgalkaan khasaaraha ka dhasha, cidda sida gaarka ah loogu beegsaday & macluumaad kale ee la xiriira.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed