Duqeymo dhanka cirka ah oo laga fuliyay gobolka Jubada Hoose laguna dilay in ka badan 20 horjoogaal iyo xubno Al shabaab ah

Dowladda Soomaaliya ayaa amartay duqeyn Axadii lasoo dhaafay ka dhacday degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose oo ay maamulaan Al-shabaab, kaasoo ay fuliyeen saaxiibo caalami ah oo aan la magacaabin. Howlgalka ayaa lagu dilay in ka badan 20 xubnood oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah, kuwaasi oo ku dhuumaaleysanayay deegaanada ku teedsan jiinka wabiga.

Ciidamada Milatariga Soomaaliya iyo kuwa maamulka Jubbaland ayaa guulo ka kala sheegtay duqeynta lagu dilay saraakiil Ajaanib ah, inkastoo aan magacyadooda la shaacin. Weerarkan ayaa qeyb ka ah istaraatiijiyad ballaaran oo lagula dagaalamayo Al-Shabaab deegaanada ay ku sugan yihiin, iyadoo ciidamada dowladda Soomaaliya ay wadaan howlgalo lagu taageerayo saaxiibada caalamka.

Weeraradii ugu dambeeyay ee ka dhacay Jubada Hoose ayaa ah mid sii socda dadaalada dowladda Soomaaliya iyo xulafadeeda ay ku doonayaan in lagu wiiqo awooda Al-Shabaab.

Weerarkan ayaa imaanaya iyadoo maalin ka hor Al-shabaab ay sheegatay mas’uuliyadda weerar khasaara dhaliyay oo lagu qaaday xarun lagu tababaro ciidamada dowladda oo ku taalla Muqdisho, halkaasoo lagu dilay saddex sarkaal oo ka tirsan dowladda Imaaraadka Carabta oo uu ku jiray Korneel iyo sargaal u dashay  Baxreyn.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed