Duqeymo dhanka cirka ah oo ka dhacay bartamaha Soomaaliya ayaa lagu dilay xubno ka tirsan Al-Shabaab

Ciidamada dowladda Soomaaliya oo garab ka helaya saaxiibo caalami ah ayaa duqeyn cirka ah ka fuliyay gobolka Galgaduud, waxaana weerarkaas lagu dilay maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab, laguna burburiyay saldhigyo ay kooxdaasi ku lahaayeen.

Sida ay baahiyeen warbaahinta dowladda maanta, duqeynta ayaa lala beegsaday fariisimo ay kooxdu ku lahaayeen deegaanka Ceel-Wadalan, oo ka tirsan degmada Galcad ee gobolka Galgaduud.

Ciidamada ayaa sidoo kale burburiyay fariisin kale oo maleeshiyaatka dowlada ay ku lahaayeen gobolka Shabeelaha Hoose, inkastoo warbaahinta dowladda aysan faah faahin dheeri ah ka bixin.

Saddex todobaad ka hor, dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in in ka badan 25 dagaalyahan lagu dilay weerar ka dhacay bartamaha Soomaaliya. Weerarkan oo ahaa mid cirka ah ayaa lagu burburiyay guri ay ku shirsanaayeen horjoogayaasha kooxdaasi, iyo Garaash lagu diyaarin jiray qaraxyada oo ku yaalla degmada Galhareeri.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed