Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay maamulka Hawada Soomaaliya

Hay’adda Duulista Hawada Soomaaliya ayaa bayaan ay soo saartay ku sheegtay in hawada Soomaaliya aysan waxba iska bedelin, isla markaana dowladda Federaalka ay tahay maamulka kaliya ee fasaxa duulimaadyada.

Hawada ayaa tan iyo markii ay Soomaaliya xornimada qaadatay 1960-kii waxa ay adeegsaneysay magaca Muqdisho Flight Information Region (FIR).

Warkaan ayaa imaanaya xilli Somaliland ay sheegtay in ay dib u soo ceshatay hawada, kaddib markii dowladda dhexe ay maamulkaas ka celisay saraakiil Itoobiyaan ah oo ku soo jeeday magaalada Hargeysa, arrintaas oo ay sababtay khilaafkii Muqdisho iyo Adis Ababa kaas oo ka dashay hishiiskii muranka dhaliyay ee Somaliland iyo Itoobiya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed