Dowladda Soomaaliya oo war ka soo saartay go’aankii maxkamadda Caddaaladda ee ku aaddan xasuuqa Israa’iil ee Qaza

Dowladda Soomaaliya ayaa soo dhaweysay go’aankii dhawaan kasoo baxay maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ) ee ahaa in ay awood u leedahay in ay baaritaan ku sameyso ciidadankii  Israa’iil ee xasuuqa ka geystay Marinka Gaza.

“Xukunkan taariikhiga ah wuxuu muujinayaa tallaabo muhiim ah oo loo qaaday isla xisaabtanka gabood-fallada ka dhanka ah shacabka reer Falastiin, Soomaaliya waxay ku adkaysanaysaa inay dalbato in si degdeg ah loo fuliyo tallaabooyin ku-meel-gaar ah oo lagu ilaalinayo xuquuqda iyo fayo-qabka Falastiiniyiinta, iyadoo diiradda koowaad la saarayo joojinta falalka foosha xun ee Israa’iil, rabshadaha, hoos-u-dhigga, iyo burburinta looga dan leeyahay in lagu baabi’iyo jir ahaan iyo akhlaaqda nolosha dadka aan waxba galabsan,” ayay dowladda Soomaaliya ku sheegtay bayaan ay soo saartay Sabtidii.

Soomaaliya waxay ku nuuxnuuxsatay baahida degdega ah ee xabbad joojinta Gaza si looga hortago khasaare kale oo naf rayid ah oo aan waxba galabsan. Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay hoosta ka xariiqday sida ay lagama maarmaanka u tahay in Israa’iil ay joojiso dhammaan noocyada xadgudubyada naxariis darada ah ee ka dhanka ah Falastiiniyiinta, ayna raacdo tillaabooyinka uu qeexayo go’aanka maxkamadda ICJ.

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa intaa ku dartay in ay ku adkeysaneyso garab istaageeda shacabka Falastiin, ayna sii wadi doonto u doodista nabadda, cadaaladda, iyo xaqiijinta xuquuqdooda aasaasiga ah ee masraxa caalamiga ah.

Maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda ee magaalada Hague ayaa Jimcihii soo saartay go’aankeeda ku aaddan tallaabooyinka degdegga ah ee ay Koonfur Afrika ka codsatay dacwadda xasuuqa ah ee ay u gudbisay Israa’iil ee ku aaddan dagaalka ay ku hayso marinka Qaza. Maxkamaddu waxay ku amartay Israa’iil inay qaado “dhammaan tillaabooyinka ay awooddo” si ay uga hortagto xasuuqa Gaza.

Markii ay dacwadeeda ka gudbisay ICJ bishii hore, Koonfur Afrika waxay ku doodday in ficillada milatari ee Israa’iil ee Gaza “ay yihiin xasuuq dabeecad ahaan” iyo jebinta heshiiskii Qaramada Midoobay ee xasuuqa 1948-kii.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed