Dowladda Soomaaliya oo soo saartay bayaan adag oo ku aaddan hishiiskii Itoobiya baaqna u dirtay Ururka Midowga Afrika

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Midowga Afrika, dowladaha xubnaha ka ah Qaramada Midoobay inay mowqif mabda’ ah ka qaataan heshiiska Itoobiya ee biyaha Badda Cas, isla ,markaana dhaliyay xiisad xooggan oo gobolka ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda  ayaa soo saartay bayaan ka dhan ah “heshiiskii is-afgaradka” ee ay kala saxeexdeen dowladda  Federaalka Itoobiya iyo  Somaliland 1-dii Janaayo, 2024, bayaan ayaa lagu sheegay in hishiiskaas uu ahay  is-afgaradkaas sharci-darro ah,  gef cadna uu ku yahay – madaxbannaanida, midnimada iyo dhulalka Soomaaliya.

Soomaaliya ayaa sheegtay markale in tallaabadan ay Itoobiya qaaday ay tahay mid gar-darra ah,  isla markaana ay xadgudub weyn ku tahay shuruucda caalamiga ah iyo xeerarka iskaashiga dalalka gobolka.

Warka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya  ayaa lagu yiri ” Sida dastuurkeena iyo xeerarka kale ee qaranku dhigayo, ma jiro dawlad-goboleed ay Somaliland ku jirto oo awood u leh inay heshiis la gasho dal kale. Sidaas darteed waxaa meesha ka baxay heshiiskii loogu magac daray MOU ee u dhaxeeyay Itoobiya iyo dowlad goboleedka Somalilad, waxana Soomaaliya ay qaadi doontaa tallaabo kasta oo ay ku beenineyso fulinta heshiiskaas sharci darrada ah”.

Sidoo kale Soomaaliya ayaa sheegtay in ficilada Itoobiya ay halis ku yihiin xasilloonida gobolka, isla markaana Ururka Midowga Afrika ugu baaqday in ay ilaaliyaan mabaadi’deeda aasaaska u ah madaxbannaanida, midnimada iyo wadajirka dhuleed ee dhammaan dalalka xubnaha ka ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed