Dowladda Soomaaliya oo sheegtay inay duqeyn ku dishay Horjoogihii Alshabaab u qaabilsanaa Gobollada

Dowladda Soomaaliya ayaa sii deysay xogta xubin muhiim ahaa oo ka tirsanaa kooxda Alshabaab oo lagu dilay gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo aha madaxii gobollada u qaabilsanaa.

War Saxaafadeed ka soo baxay DFS ayaa lagu sheegay in howlgal gaar ah oo ay iska kaashadeen Ciidanka Qaranka iyo Saaxiibada Caalamka oo ka dhacay deegaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellaha Hoose in lagu qaarajiyay Horjooge Maxamed Mire Jaamac (Abuu Cabdirahmaan) oo Alshabaab u qaabilsanaa Gobollada.

Horjooge Abuu Cabdirahmaan ayaa ka mid ahaa xubnaha ugu sareeya Alshabaab 15-kii sano ee ugu dambeysay, isaga oo horjooge ka soo noqday qaybaha sida ay dowladdu hadalka u dhigtay qaadista lacagaha iyo qaybta maleeshiyaadka.

Waxaa intaasi lagu daray bayaanka in lagu xasuusto inuu ahaa aas-aasihii Jabhadii Caanoole oo si qasab ah ugu biirtay Al-Shabaab sanadkii 2009-kii.

Tallaabadan ayaa dowladdu ku sifeysay sida ay qabto inay qeyb ka tahay “qorshaha dowladda Soomaaliya ee Alshabaab looga looga saarayo” deegaannada ay ku hareen.

Kooxda Alshabaab ayaa goor sii horeysay qiratay in laga dilay Maxamed Mire oo loo garan ogyahay Abuu Cabdiraxmaan, mana jirto cid ka hadashay saaxiibada caalamiga ah duqeyntaan lagu dilay xubintaan kooxda u qaabilsanaa arimaha siyaasadda gobollada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed