Dowladda Soomaaliya oo shaacisay dilka ku dhawaad 30 ka tirsanaa kooxda Al shabaab iyo tirada dhaawacyo kale gobolka Jubada Hoose

Ciidamada Kumaandooska Soomaaliya ee Danab ayaa howlgal ka sameeyay Galbeedka Magaalada Kimaayo ee Gobolka Jubbada Hoose. Waxa ay dileen 27 ka tirsan  Al-Shabaab 36 kalena waa ay dhaawaceen, sida ay shaacisay dowladda Soomaaliya.

Howlgalka oo uu hogaaminayay Korneel Carab Dheeg oo ka tirsan Ciidamada Kumaandooska Danab ayaa waxaa laga fuliyay deegaanka Yaqdabayl ee Galbeedka Magaalada Kismaayo.

Ciidanka ayaa goobta ka eryay xubno kale oo ka tirsanaa kooxda halkaasi ku dhuumaaleysanayay, iyagoo shacabka ku ammaanay sida ay u garab taagan yihiin ciidanka, isla markaana ay u soo dirayaan fariimo ka dhan ah  dagaalyahannada Al shabaab, oo dagaal ba’an dowladdu kula jirto.

Wajiga labaad ee dagaalka ka dhanka ah  Al-Shabaab ayaa dhawaan ka bilaaban doona deegaanada Koonfur Galbeed sida uu horay u shaaciyay Madaxweynaha Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed