Dowladda Soomaaliya oo kulan ka dhan ah damaca Itoobiya la yeelatay Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland

Wasiirka Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta, Axmed Macalin Fiqi, ayaa kulan wadatashi ah la qaatay Odayaasha Dhaqanka ee ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland. Kulankan ayaa ahaa mid lagu dardargelinayo tabashooyinka ka dhashay go’aankii Muuse Biixi ee ahaa in badda Saylac lagu wareejiyo Itoobiya.

Kulankan oo ay ka soo qayb galeen waxgarad ay ka mid yihiin nabaddoono iyo Ugaasyo kala duwan oo ka soo jeeda gobolka Awdal, oo ay kamid yihiin Senator Deeqa Xasan Xuseen iyo Bilaal Idiris C/laahi, iyo sidoo kale salaadiinta beelaha Samaroon iyo Ciise. Odayaasha ayaa sheegay inaysan ku qanacsanayn go’aanka Biixi, iyagoo carabka ku dhuftay inay ka go’an tahay inay Awdal ka difaacaan khatar kasta oo ku soo wajahan.

Senator Deeqa Xasan Xuseen ayaa ku ammaantay odayaasha dhaqanka “sida ay u fashiliyeen damacii Itoobiya ee ahaa inay dhul ku qabsadaan, waxayna ku nuuxnuuxsatay muhiimadda ay leedahay in la midoobo xilliyada adag”. “Senator Bilaal Idiris ayaa hadalkaas ka dhawaajiyay, isagoo ku baaqay in la qaado tallaabooyin hor leh oo lagu ilaalinayo dhulka Soomaaliyeed ee ka dhanka ah danaha shisheeye.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi oo khudbad ka jeediyay kulanka ayaa hoosta ka xariiqay in dowladda Federaalka ay ka go’an tahay ilaalinta midnimada Soomaaliya. Wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leeyihiin wada-hadalladan oo kale, kobcinta is-weydaarsiga dhaqanka iyo hubinta in odayaasha lagu daro hababka go’aan qaadashada.

Kulankaan ayaa ku soo beegmaya iyada oo wili ay taagan tahay xiisada Itoobiya iyo Soomaaliya, kaddib hishiiskii ay gaareen Muuse Biixi iyo Abiy Axmed, arrintaas oo dhalisay diidamo xooggan oo ka dhan ah dowladda Soomaaliya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed