Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya C/raxmaan Yuusuf Al-Caddaala ayaa sheegay in Al-shabaab looga adkaaday deegaannada Galmudug iyo Hirshabeelle, taasi oo ku qasabtay in maleeshiyada ay isku uruursadaan deegaannada Puntland.
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday weerar ka dhan ah Al-Shabaab oo qorsheynayay weeraro ka dhan ah shacabka Puntland. Waxa uu xusay in howlgalkaasi lagu bartilmaameedsaday horjoogayaasha ugu sareeya xerooyinka ay ku badan yihiin dagaalyahanada Al-Shabaab, balse warkaan waxaa beenisay Puntland oo ku tilmaamtay mid marin habaabin ah sida ay hadalka u dhigtay.
Dowladda Federaalka ayaa sheegtay in Al-Shabaab lagu jabiyay dagaaladii ka dhacay Galmudug iyo Hirshabeelle, waxaana maleeshiyada ay hadda isku uruursadeen buuraha Bariga Puntland.
Al-Caddaala ayaa sheegay in howlgalkan ay iska kaashadeen ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa dowlad goboleedka Puntland. Waxa uu intaa ku daray in howlgalkan uu ahaa mid qorsheysan, inkastoo Puntland ay iska fogeystay warkaan.
“Waxaan si dhow ula soconay dhaq-dhaqaaqooda iyo abaabulkooda, kadib guul-darradii weyneyd ee ka soo gaartay gobollada koonfureed ee Hirshabeelle iyo Galmudug, qaar ka mid ah kooxahooda ayaa isugu soo baxay Puntland, waana la soconnay dhaq dhaqaaqooda” ayuu yiri Al-Caddaala.
Wasiirku ma uusan ka hadlin in saraakiisha sarsare ee Puntland ay wax ka ogaayeen howlgalkan.
Warkaan oo shalay ay soo saartay dowladda Soomaaliya ayey ku sheegtay in ay buuraha Caalmadow ee maamulka Puntland ay ku dileen in ka badan 20 ka tisran Al shabaab, laakiin saacado kaddib Puntland ayaa gaashaanka u daruurtay sheegashada dowladda Soomaaliya.
HBN NEWS DESK