Dowladda Soomaaliya oo ka hadashay shacabkii Taageerada u muujiyey joogitaanka Itoobiya

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ka hadlay arimaha Itoobiya iyo deegaannada Koonfur Galbeed oo dhoawaan laga taageeray ayaa sheegay in dhagxumo aan loo qaadi karin shacabka ka soo jeeda halkaasi, isaga oo tilmaamay in uusan jiri karin qof xaq u leh in uu ku takrifalo gobanimada, midnimada iyo danaha Qaranka Soomaaliya.

Wasiir Jaamac oo fariin u dirayey dadka deegaannaddiisa ayaa sheegay in aan marna la aqbali karin in shacabka Baay, Bakool iyo Shabeellaha Hoose aan loo hoosaasi karin cadowga taariikhiga ah ee ay diideen sida hadalka uu u dhigay awoowayaasheen.

Sida oo kale wasiirka ayaa carrabaabay in madaxda hadda talada heysa uu waajib ka saaran yahay in jiilasha dambe ay ku simaan sida hadalka uu u dhigay Soomaaliya oo mid ah, xor ah, Kheyraadkeenduan bad qabo, si buu yiri “ammaanadi ay awowyaasheen nagu soo simeen aan u wareejinno si dhammeystiran oo nadiif ah”.

Waxaa intaasi ku daray in ay ka go’an tahay in dhimbisha difaaca qaranka oo nool ay ugu tagi doonaan jiilasha ka dambeeya, si difaaca qaranka oo marba heer soo martay u noqoto mid halkaa ay ka sii wadaan.

“Taariikhda difaaca qaranka soomaaliyeed waa qori isu dhiib, marba heer soo mareysay. waxaana naga go’an in dhimbisha difaaca qaranka oo nool aan uga tagno jiilasha naga dambeeya” ayuu yiri wasiir Jaamac.

Ugu dambeyn wasiirka Difaaca Soomaaliya Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa sheegay in marna “gogol soo dhaweysa u noqon doonin” shacabka deegaannada Koonfur Galbeed “cadawga taariikhiga ah ee qarannimadeena”.

Hadalka wasiirka ayaa ku soo aadaya iyada oo uu shalay goob faraaga ah ka sheegay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Laftagareen in uu ku aragti yahay shacab iyo xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya oo taageero u muujiyey joogitaanka Ciidamada Itoobiya ee gudaha Soomaaliya.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed