Ciidamada Xoogga dalka iyo kuwa deegaanka ayaa maanta dagaallo culus kula galay kooxda Alshabaab deegaanno ka tirsan gobolka Shabeellada Dhexe, sid lagu sheegay bayaan ka soo baxay dowladda Soomaaliya.
Dagaallo adag oo Ciidamada xoogga iyo kuwa deegaanka ku qaadeen goobo Alshabaab ay gabaad ka dhiganayeen ayaa lagu sheegay in khasaare kala duwan lagu gaarsiiyey kooxda aaggaga Deegaannada laba-Garas iyo Sumadaale ee Gobalka Shabellaha dhexe.
Warbixin ka soo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in Ciidamada ay Dagaalka ku dileen maleeshoyaad iyo horjoogayaal kale,halka ay burburiyeen guud ahaan goobihii gabaadka ay ka dhiganayeen.
Si gaar ah dagaalka ka dhacay deegaanka Sumadaale ayaa la tilmaamay in laga hortagay xubno ka tirsan Alshabaab oo Damacsanaa sida warka loo dhigay dhibaateynta Shacabka, iyada oo laburburiyay gaari Walxalaha Qarxa ay kooxdu ka so buuxiyeen.
HBN ONLINE TV