Maamulka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa ka hadlay saddex gaari iyo sagaal qof oo Ciidamadoodu ay ku qabteen deegaanka Guumays, kuwaas oo sida uu sheegay kasoo safray magaalada Hargeysa kuna soo jeeday Laascaanood.
Wasiirka Amniga Waqooyi Bari, Cabdirisaaq Faarax Warsame, ayaa sheegay in waddada isku xirta Burco iyo Laascaanood ay weli xiran tahay, isla markaana ciidamada ay gacanta ku hayaan gaadiidka iyo dadka la socday.
Sidoo kale, Wuxuu sheegay in waddadaasi ay xirnayd tan iyo sannadkii 2023, kaddib markii ciidamada Somaliland laga saaray deegaankaas, isagoo tilmaamay in dadka watay gaadiidka la xiray, isla markaana wixii sharciga waafaqsan laga qaadi doono.
Maamulka Waqooyi Bari ayaa sheegay in gaadiid ama cid u socota ama ka socota Somaliland aysan mari doonin waddada isku xirta Laascaanood iyo deegaanada kale ee ay maamusho Somaliland, balse Wasiirku wuxuu sheegay in mustaqbalka waddada la mari karo haddii Somaliland ay aqoonsato in jiritaanka Waqooyi Bari oo ay ka tirsan tahay Soomaaliya.
Dhanka kale, maamulka Somaliland kama uusan hadlin gaadiidkan la qabtay iyo rarka saaran wuxuu ahaa iyo halka uu u socday.
HBN Online Tv

