Dowladda Soomaaliya oo gargaar kala duwan gaarsiisay maamulka Jubaland

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliyeed ayaa 3,000 oo Tan oo Raashin iyo Daawooyin ah ku wareejisay Dowlad Goboleedka Jubbaland, si loogu caawiyo dadka ay saameeyeen fatahaadaha El Nino ee Gobolka Gedo.

Guddoomiyaha Hay’adda SoDMA Mudane Maxamuud Macalin Cabdulle ayaa maanta munaasabad ka dhacday xarunta Hay’adda SoDMA ku wareejiyay deeqdan Guddoomiyaha Gobolka Gedo C/llaahi Shimbir iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan  Jubbaland.

Cabdulle ayaa sheegay in gargaarkan uu qeyb ka yahay sidii ay hay’adda SDMA u caawin lahayd shacabka Soomaaliyeed marka ay dhibaato soo gaarto, wuxuuna caddeeyay in ay garab taagan yihiin dadka ay saameeyeen fatahaaduhu.

Sidoo kale waxa uu ku amaanay maamulka Jubbaland dadaalka ay ugu jiraan sidii ay wax uga qaban lahaayeen musiibadaasi iyo gurmadka ay u fidiyeen dadkii dhibaatadu soo gaartay.

Guddoomiye Shimbir ayaa uga mahadceliyay hay’adda SDMA deeqdan lacageed oo uu sheegay inay wax badan ka bedeli doonto nolosha kumannaan qof oo u baahan cunto iyo dawo.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in dowladda Jubbaland ay si dhow ula shaqeyneyso dowladda federaalka Soomaaliya iyo hay’adaha kale ee kala shaqeeya wax ka qabashada dhibaatooyinka ka dhashay fatahaadaha iyo sidii dib loogu soo celin lahaa jawigii caadiga ahaa ee deegaanada maamulkaasi.

Hay’adda SoDMA ayaa sidoo kale Doomo cusub ku wareejisay Gobolka Gedo, si loogu gurmado dadka ku go’doonsan fatahaadaha.

Dhacdada El Nino oo sababa isbeddelka cimilada adduunka oo dhan ayaa sababay roobab mahiigaan ah iyo fatahaado ka da’ay qeybo badan oo ka mid ah Soomaaliya, waxaana ku barakacay boqolaal kun oo qof, waxaana baabi’iyay dalagyadii beeraha iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed