Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa faahfaahin dheeraad ah ka bixisay howlgallo ballaaran oo ay saacadihii la soo dhaafay ciidamada Xoogga iyo dadka deegaanka ka fuliyeen deegaano ku yaalla xadka u dhexeeya gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.
Xogta dowladda ka soo baxday ayaa lagu sheegay in howlgalladaasi ay socdeen ku dhawaad 48 saacadood, laguna dilay tobanaan dagaalyahanno ka tirsan Alshabaab. Sidoo kale, waxaa lagu xusay in ciidanku ay gacanta ku dhigeen hub ay wateen maleeshiyada, taasoo muujinaysa guulo muhiim ah oo laga gaaray howlgalka.
“Waxaa mar kale la xaqiijiyay in iskaashi ka dhaxeeya dowladda, shacabka iyo saaxiibada caalamiga ah uu yahay furaha guusha dagaalka,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta.
Sidoo kale, wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi oo warbaahinta dowladda la hadlay ayaa sheegay inay Ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay guullo wax ku ool ah ka gaareen dagaalladii ka dhacay Hiiraan.
“Ciidamada Dowladda iyo kuwa deegaanka waxay cashar u dhigeen Agragixisada halka ay iska galaan Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe” ayuu yiri wasiir Fiqi.
Howlgalladan ayaa dowladda sheegtay inay sii joojteyn doonto iyada oo laga faa’iideysano fursadaha horyaalla Ciidamada iyo garabka laga helayo beesha caalamka.
HBN ONLINE TV