Dowladda Soomaaliya oo faah faahin ka bixisay Safiirkii Itoobiya iyo go’aanka Ciidamadeeda ku sugan dalka xilli ay taagan tahay xiisad adag

Guddiga Arrmaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Aqalka Sare ee dowladda Soomaaliya ayaa maanta waxay u yeereen Wasiir dowlaha ahna kusimaha Wasiirka Wasaaradda Arimaha Dibadda Cali Cumar ” Cali Balcad”, guddiga ayaa weydiiyay su’aalo kala duwan uu ku aaddan arrinta Itoobiya si gaar ah heshiisyadii dowladda Soomaaliya ay la gashay Dowladda Itoobiya iyo halka ay marayaan miradhalka go’aannadii dowladda ee ku xad-gudubkii madax-baannaanida dhuleed ee Soomaaliya.

Wasiir Balcad ayaa, ayaa si toos ah loo weydiiyay arrimo la xiriiro Safiirkii dowladda Itoobiya u joogay Soomaaliya macluumaad ku saabsan haddii uu jooga, iyo haddii uu baxay, iyo sababta aysan dowladdu u qaadin taallaabo ka dhan ah, maaddaama ay safiirkeedii dalkaas u yeeratay, sidoo kale wasiirka ayaa wax laga weydiiyay ciidamada Itoobiya ee ku sugan dalka, iyada oo uu aad u xumaaday xiriirka Muqdisho iyo Adis Ababa.

Wasiirka ayaa sheegay in safiirka dalka Itoobiya uu iskiis u baxay, berrina uu soo laaban karo, maaddaama wili aanan la gaarin heer dalka laga saaro, waxaa kale uu sheegay in ciidamada Itoobiya ee ku sugan Soomaaliya ay socoto arrintooda, isla markaana ay xukuumaddu ka gaari doonto go’aan.
Sidoo kale waxaa uu sheegay in tallaabada Soomaaliya ay ku egtahay Doplomaasiyad oo kaliya,, oo weli aanan la gaarin ficil ama tallaabooyin muuqdo.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed