Dowladda Soomaaliya oo dishay xubin Ajnabi ah oo ka tirsan Al shabaab

Dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin ka bixisay duqeyn dhanka cirka ah oo ka dhacay maamulka Galmudud, isla markaana lagu dilay horgjooge ka tirsan Al shabaab, kaasoo la sheegay inu ahay Ajnabi.

Bayaan kooban oo ka soo baxay taliska Ciidanka Soomaaliya ayaa lagu yiri: “Howlgalkan guulaystay ayaa waxaa lagu dilay horjooge ajaanib ah oo la sheegay inuu ka soo jeedo dalka lubnan kaasoo khawaarijta arxanka daran u qaabilsanaa tashkiilinta dhalinyarada ay doonayaan ineey qaladaan si ay ugu shubaan dabka iyo qaxarka ay ku jiraan ee gobolada Mudug iyo Gal-guduud”.

Bayaanka ayaa sidoo kale lagu sheegay in howlgalku uu ahay mid qorsheysan, una dhacay sidii loogu talagalay, kaasoo si weyn looga shaqeyay.

Si kastaba, dowladda Soomaaliya iyo Saaxiibada Caalamiga ah ayaa muddooyinkii dambe fulinayay duqeymo ka dhan ah Al shabaab oo lagu dilay hoggaamiyaal iyo xubno muhiim ah.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed