Dowladda Soomaaliya oo digniin ka soo saartay dufaan cusub oo ku soo wajahan magaalooyinka dhaca Xeebaha oo ay ku jirto Muqdisho

Hay’adda Maareynta Musiibooyinka Soomaaliya ayaa digniin ka soo saartay duufaan ku dhufatay badweynta Hindiya oo loogu magac daray Laly, waxaana laga yaabaa inay saameyn ku yeelato xeebaha gobollada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed iyo sidoo kale gobolka Banaadir.

Magaalooyinka laga yaabo inay saameyn xooggan ku yeelato waxaa ka mid ah Muqdisho, Baraawe, Kismaayo, Marka, Jamaame, Badhaadhe, balse hay’addu waxay sheegtay in dadka ku nool deegaannada xeebaha ah ay feejignaadaan, oo ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah digniin ugu direysaa Kalluumeysatada iyo dadka deggan hareeha xeebaha Soomaaliya, kuwaas oo si gaar ah farta loogu fiiqay, waxaa baaq sidoo kale loo diray maamulada Maxaliga ah ee goobahaas in ay muujiyaan taxadar dheeraad ah iyaga oo kaashanaya hey’adda Maareynta Musiibooyinka Qaranka.

Duufaantan ayaa si tartartiib ah u soo bilaabatay intii u dhaxeysay 14-19 bishaan, taasooku socoto  xawaare dhan 75km-100km,kana imaaneysa Jihada Koofureed ee Bad-Weynta Hindiya.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed