Dowladda Soomaaliya oo digniin adag ka soo saartay Baraha bulshada iyo dadka u adeegsada colaadaha

War-saxafadeed ka soo baxay Wasaaradda Warfaafinta Soomaaliya ayaa lagu sheegay in si dhow loola socdo Aaladaha Baraha bulshada iyo Warbaahinta ee loo adeegsanayo hurinta colaadaha, taasi si gaar ah u isticmaalayaan shaqsiyaadka ka qeyb qaadanaya kicinta dagaallada.

Faafinta Filimada, Sawirada, Codadka, Qoraallada baahaya ee naxdinta leh iyo kuwa sii hurinaya colaadaha ayaa wasaaradda sheegtay in iyada oo gudanaysa waajibka ka saaran ay digniin ugu jeedinayso isticmaalayaasha baraha bulshada ee ka qeyb aqaadanaya fitnada iyo hurinta colaadaha.

Sida oo kale  waxaa ay carrabowday inay qaadi doonto tallaabo sharciga waafaqsan oo lagu xakamaynayo qofkasta iyo aalad kasta oo loo adeegsado hurinta dagaalada sokeeye, iyada oo ka duuleysa sida hadalka ay u dhigtay  mamnuucidda baahintooda ee shareecada Islaamka, shuruucda dalka, Xeerarka caalamiga ah iyo siyaasadaha shirkadaha baraha bulshada.

Dhanka Wasaaradda ayaa ka codsatay  qofkasta si looga hortago baahinta colaadaha inay la soo wadaagaan baraha ama dagaalada lagu hurinayo dagaallada.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed