Koonfur Galbeed oo digniin amni u dirtay Shacabka magaalada Buurhakaba

Maamulka degmada Buur-hakaba ee Gobolka Baay ayaa digniin amni u diray shacabka ku nool magaalada, isaga oo uga digay inay ka fogaadaan goobaha ay ku sugan yihiin xubnaha Al-Shabaab ama kooxaha uu hoggaamiyo nin lagu sheegay Cabdullaahi Shaleetey,balse aan gadaal ka ogaanay in mid kamid ah siyaasiyiinta taageersan madaxweynihii hore ee maamulka Cabdicasiis Laftagareen uu bartamihii bishaan Octobar 2026 uu u magcaabay guddoomiyaha degmadaasi.

Maamulka ayaa bulshada ugu baaqay inay muujiyaan feejignaan dheeraad ah, kana dheeraadaan goob kasta oo ay ka shakiyaan, si loo ilaaliyo naftooda iyo badbaadada guud.

Sidoo kale, maamulka degmada ayaa shacabka kula dardaarmay inay si dhow ula shaqeeyaan hay’adaha amniga, isla markaana ay soo sheegaan xaalad kasta oo khatar ku keeni karta amniga iyo xasilloonida deegaanka.

Go’ankan wuxuu imanayaa iyada oo uu socdo qorshe ballaaran oo dowladda Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed wadaan oo ku aadan in gacanta magaalada loogu soo celiyo ha’addaha ammaanka, kadib markii kooxda Al shabaab ay la wareegtay bartamihii bishaan Octobar 2026.

HBN ONLINE TV

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed