Dowladda Soomaaliya oo Cambaareysay hab-dhaqankii Itoobiya kaddib Shirkii Midowga Afirka ee dalkaas lagu qabtay iyo Adis Ababa oo jawaab ka bixisay

Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay daandaansiga ay dowladda Itoobiya kula kacday inay ku carqaladeyso wafdiga Madaxweynaha Soomaaliya uga qeyb galayay shir madaxeedka Midowga Afrika ee sanadka 2024 ka dhacaya magaalada Addis Ababa.

Warka koobaan oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ayaa lagu yiri “Tallaabadani waxay jebisay dhammaan hab-maamuuska dublamaasiyadeed iyo kan caalamiga ah, iyo caadooyinka lagu aasaasay ee Midowga Afrika.

Sidoo kale Wasaaradda ahaa sheegtay in hab-dhaqankani uu kordhinayaa liiska sii kordhaya ee falalka gurracan ee ay ku kacayso dawladda Itoobiya muddooyinkii u dambeeyay.

Sidoo kale cambaareynta Soomaaliya ayaa lagu yiri ” Marka la eego in Itoobiya ay martigeliso xarunta Midowga Afrika, hoggaankeeda iyo dawladeeda waxaa ku waajib ah inay si isku mid ah ula dhaqmaan dhammaan madaxda Afrika”.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka caroortay in laga hor istaagay madaxweynaha in uu ka qeyb galo shirkaas, wararka ayaa sheegaya in markii dambe lagu qaaday gaari uu leeyahay madaxweynaha Jabuuti.

Ugu dambeyn qoraalka ayaa lagu yiri ” Anagoo canbaareynayna falka aan loo meel dayin ee Itoobiya, waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa Midawga Afrika inay si deg deg ah u sameeyaan baaritaan lagu kalsoonaan karo oo madax-banaan  si waafaqsan borotokoolka ururka”.

Dhanka kale Sarkaal sare oo katirsan dawladda Itoobiya oo kajawaabayay warka  wafdiga Madaxweynaha JFS, ayaa sheegay in ay dawladdiisa masuul katahay amniga madaxda Africa ee tagay shirka Addis Ababa, ayna si fiican usoo dhaweeyeen Wafdiga Madaxweyne Xassan Sheekh, hayeeshee ay garab martay Soomaaliya hanaanka amni sugida ee AU iyo Itoobiya ay masuulka ka ahaayeen.

Sarkaalka Itoobiya ayaa BBC Africa u sheegay, in ay Ilaalada Madaxweyne Xassan Sheekh isku dayeen in ay hub lagalaan xarunta Midowga Africa, ayna taas diideen oo aan ogoleyn, ayna tahay fal ka dhan ah amni sugida guud.

HBN NEWS DESK

La Xiriira

Live Now

English News

Facebook Feed